spot_imgspot_imgspot_img

Xamsa Abdi Bare oo Kahadlay Safarkiisa Baydhabo

Arbaco 11-09-2024 {HMC} “Maanta waxaan safar shaqo ku tagey magaalada Baydhabo, si aan u xoojiyo wada shaqaynta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Ujeedka safarkani waa in aan dardar-gelinno dagaalka ka dhanka ah AS, iyo in aan sii horumarinno arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Inta aan joogo Baydhabo, waxaan kulammo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo mas’uuliyiinta maamulka, anniga oo ka dhegysan doona xaaladaha nololeed iyo bulsho ee ka jira deegaanka. Waxaan aaminsanahay in wadajirkeennu uu muhiim u yahay horumarka iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Waxaan uga mahadcelinayaa maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen anniga iyo wafdiga ila socday.”

WARARKA