spot_imgspot_imgspot_img

Turkiga oo Soomaaliya ka dhisaya saldhig laga tijaabiyo gantaaladaha

Arbaco 11, Sept,2024 {HMC} Warbixin ay soo saartay Bloomberg ayaa lagu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya kala xaajoonayo sidii loo samayn lahaa goob lagu tijaabiyo gantaalada hawada sare loo diro.

Barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ah ee Ankara (caasimada Turkiga) waxa uu u baahan yahay tijaabo fog, halka Soomaaliya oo ku taallo cidhifka bari ee dhul weynaha Afrika ay ku habboon in laga rido gantaalaha dhinaca badweynta Hindiya

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhow dhulbaraha, taas oo ka dhigaysa goob ku habboon in hawada looga duulo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo. Tijaabada u dhow dhulbaraha waxa kale oo ay gacan ka gaysan kartaa kor u qaadida baaxada iyo hufnaanta gantaalada hawada.

Turkiga ayaa in muddo ah ku taamayay in uu ka mid noqdo tartanka hawada sare ee dhaqan ahaan ay u badan yihiin quwadaha caalamka, waxaana muddo sanado ah soo socday qorshaha lagu ridayo gantaalada.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Axmed Kooshin, ayaa sheegay inaysan waxba kala socon heshiis noocaas oo kale ah oo ay la galeen Turkiga.

“Turkiga ayaa ka shaqaynayay kordhinta tirada gantaallada ay gudaha ku sameeyaan ee Tayfun oo gaaraya ilaa 560 kiiloomitir (350 mayl),” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan 2022-kii.

Sidoo kale, goobta la qorshanayo in gudaha Soomaaliya uu Turkiga ka gano gantaalada waxay meesha ka saaraysaa khatarta qashinka ku dhacaya meelaha la deggan yahay iyo dalalka kale, sidda ay sheegeen ilo-wareedyadu.

WARARKA