spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka G.Banaadir oo Mamnuucay Dabaqyada Laga Agdhiso Garoonka Aadan Cade

Arbaco 11-09-2024 {HMC} Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta laga bilaabo mamnuucay in dabaqyo ama dhismayaal dhaadheer laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade

waxaa si gaar ah loo xusay degmooyinka ku hareereysan sida: Xamar weyne, Xamar-jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jaziira.

Sidoo kale waxa uu maamulka sheegay in aan laga dhisi karin dhismo dheer gudaha garoonka Aadan Cade iyo Xalane hareerahooda, isla markaana bar-kontrolada laga soo galo garoonka laga dhisi karin guri aan ka dheereyn saddex dabaq.

Amarkan cusub ee uu maanta soo rogay maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in loo gaaray sababo la xiriirta amniga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kadib cabasho ka timid diyaaradaha caalamiga ee yimaada garoonka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabasha uga timid shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadka u yimid Garoonka Aadan Cade uu amarkan ka soo saaray dhismooyinka dhaadheer ee ka socda nawaaxiga garoonka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa tilmaamtay in halis badan ay ka dhalan karto dhismooyinka dhaadheer ee kusoo badanaya degmooyinka ku dhow Airport Muqdisho.

WARARKA