spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka PSF oo Digniino U Diray Diyaradaha Ka Dago Boosaaso

Arbaco 11, Sept,2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka PSF ee fadhigooda yahay magaalada Boosaaso , ayaa looga hadlay amar garoonka diyaaradaha magaalada looga mamnuucay in ay wax kala soo degaan ama kala duullaan ciidamada PSF.

Ciidamada PSF ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in maamulka garoonka diyaaradaha la wareegeen ciidamo beel gaar ah kasoo jeeda, waxa ayna sheegeen in garoonka ka shaqeenayaan sidii loogu soo-celin lahaa gacanta maamulkii hore ee garoonka hayay.

War-saxaafadeedka kasoo baxay PSF ayaa lagu sheegay in maanta garoonka loo diiday in laga qaado ciidamo dhaawacyo kala duwan qabay, waxa ayna sheegeen in nolosha askartaasi maanta halis galeen, sidoo kale garoonka loo diiday in ay kasoo degaan dadka iyaga u socda ama ka dhoofaan.

WARARKA