spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo warqad cabasho ah u dirtay Qaramada midoobe iyo masar oo…..

Talaado, September, 10, 2024 (HMC) Waxaa sii xumaanaya khilaafka u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya, khilaafkaasi ayaana salka ku haya biyo-xireenka wabiga Niil ee ku tiirsan tahay dowladda Masar, labada dal ayaana hadallo adag hawada isku marinaya.

Dowladda Masar ayaa isbuucii hore warqad dacwad oo ka dhan ah dowladda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ayna Masar qoraalkeeda ku eedeysay Itoobiya ay sheegtay in ay ku xad-gudubtay qaanuunka caalamiga ah, iyada oo heshiis la’aan sii wada dhismaha biyo-xireenka.

Xukuumadda Adis Ababa ayaa dhankeeda qoraal jawaab u ah dacwadii Masar u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ayna Itoobiya iska diiday eedeymaha ay soo jeedisay dowladda Masar ay ku tilmaantay kuwa been abuur ah.

Qoraalka ay Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ayey ku sheegtay in dowladda Masar ay qasab ku tahay in ay ka tanaasusho ujeedkeeda gardarada ah ee ku aadan biyo xireenka wabiga Niil, waxa ayna Itoobiya meesha ka saartay in ay sameysay wax xadgudub ah.

Khilaafka u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaana laga cabsi qabaa in uu meel xun gaaro, waxaana marar badan fashilmay dedaalo lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka dhashay biyo-xireenka ay sameeneyso dowladda Itoobiya.

Dowladda Masar ayaa si weyn ugu xiran biyaha wabiga Niil, waxa ayna Masar ka cabsi qabtaa in biyo-xireenka ay sameeneyso dowladda Itoobiya uu saameyn weyn ku yeesho biyaha wabiga Niil ee sida weyn looga isticmaalo dalalka Masar iyo Sudan

WARARKA