spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Hiiraan oo Booqday Saldhiga Beledweeyne

Talaado, September, 10, 2024 (HMC)  Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa Taliska Saldhiga booliska degmada Beledweyne kula Kulmay Taliyaha ciidanka booliska dowladda Hirshabelle Col Xasan Dhicisoow , Taliyaha Qeeybta guud ee booliska gobalka hiiraan Col. Isaaq cali cabdulle iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmadda Beledweyne gashaanlle Cabdulaahi Maxamuud, asigoo warbxino la xeriiro xaaladaha amnigga ka dhageeystay laamaha amniga iyo Saraakisha Ciidamada Xasilinta.

Gudoomiyaha ayaa goob fagaaro ah ugu kuur’galay Xaaladda boqolaal kamidda Ciidamada Amnigga, Sidoo kale waxaa kulan’ka qeeyb’ka ahaa Culu’moowdiin ka socday wasaarada Diinta iyo Awqaafta heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed Kuwaas oo goob fagaaro ah kula hadlay Boqolaal Kamida Ciidamada Xasilinta oo isku dhaf ah , Ayadoo lagu dhiirigelinayay muhiimadda aay Leedahay in shacabka loo turo lagana dul qaado Shacbiga wax waliba oo dhibaato ku ah si aay u Helaan umadda islaam-ka ah nabad-galyo buuxdo OO lagu cibaadeeysto .

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Md Muuse Salaad wehliye ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida Ee wadajirka ah ee daruufta adag ku shaqeeynayo asigoo ku booriyey ineey ka hortagaan dhagarta AS ee maalin Waliba soo maleegayo Dhibaateeynta shacabka Reer Hiiraan.

Gudoomiye Muuse salaad wehliye ayaa u Mahadceliyay mashaa-iiqda kale duwan ee kulamada wacyigelinta ah u sameeyey ciidamada Xasilinta asigoo kula dardaarmay laamaha amniga in la fuliyo Awaamiirta alle ka cabsiga laguna Camal falo Wacdigga iyo waanadda la faray oo ah kuwo dhisan diinteena suuban iyo dhaqan’ka Wanaagsan ee soomaaliyeed.

WARARKA