Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Toogasho dhacay Gobolka Kentucky iyo booliska maraykanka oo tallaabo qaaday.

Axad 08,Sept,2024 {HMC} Booliska gobolka Kentucky ee dalkaan Mareykanka ayaa sheegay in hubeysan oo wali baxsad ah uu Sabtidi shalay ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah.

Boolisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay toogashada uu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhaw keymaha koofurbari ee baadiyaha gobolka Kentacky.

Qeybta taliska booliska ee degmada Laurel ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay, in dad badan lagu toogtay meel u dhaw waddada weyn ee gaadiidka gobollada aada maraan. Waxay kaloo sheegeen in jidkaasi ilaa 9 mayl la xiray.

Duqa degmada yar ee London ee gobolka Kentucky Randall Weddle ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhaawacyada 7 qof. Qaarkood ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen shilal jidka ka dhacay oo ayay sababtay toogashada.

Toogashadan ayaa imaneysa laba maalin kaddib marki wiil yar oo hubeysnaa uu laba macallim iyo laba arday ku dilay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Georgia. Falkaasi ayaa loo xiray wiil 14 jir ah iyo aabihiis oo loo heysto in uu u ogolaaday wiilka qoriga uu dadka ku laayay.

WARARKA