spot_imgspot_imgspot_img

Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Axad 08-09-2024 {HMC} Shirka wadatashiga miisaniyadda dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo biiray xubno cusub.

Shirka waxaa maanta ka qeyb-galay odayaasha dhaqanka, haweenka, ganacsatada iyo ururrada bulshada rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aallo la xariira hanaanka miisaniyadda qaranka ee 2025 ka.

Shirka oo furmay shalay waxaa sidoo kale maanta kusoo biiray wasiirka wasaaradda maaliyadda Biixi Iiman Cige oo safar shaqo ah ugu maqnaa dalka Mareykanka iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda.

Kasoo qeyb-galayaashii shirka ee maanta ayaa waxay hordhigeen wasiirka maaliyadda iyo xubnihii kale ee matalayay wasaaradda oo ay kamid ahaayeen wasiiru-dowlaha, agaasimaha miisaaniyadda iyo agaasimaha guud ee dakhliga su’aallo muhiim ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyada dowladda.

Shirkaan wadatashiga diyaarinta miisaaniyadda dowladda ee 2025-ka ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo bari oo Isniin ah, halkaas oo lafilayo in ay ka soo baxaan tallooyin wax ku ool ah oo wax badan kusoo kordhin doona hab diyaarinta miisaaniyadda oo la filayo in ay ka duwanaan doonto kuwii hore.

Kulankaan wadatashiga miisaaniyadda oo ah mid sanad walba la qabto ayaa sanadkaan waxa uu kaga duwan yahay sanadihii hore in laga soo hormariyay xiligii la qaban jiray oo aheyd marka la diyaaro kadib, balse si hada loo helo talo iyo gikir miro-dhal ah ayaa la qabanayaa ka hor inta aanay hey’ad waliba soo gudbinin qoondadeeda Sanad laha ah.

WARARKA