Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay 3 rag ah oo kasoo jeeda maamulka Soomaaliland.

Axad 08,Sept,2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta lasoo taagay rag ka tirsanaa AS oo loo diyaariyey ka dagaalamaan deegaanada Somaliland, balse fashilmay oo soo galay gacanta hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ragaan oo gaaraya 4 ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxaana la hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya, iyagoo qoraal ah.

Waxaa ku jira nin oday ah oo Ugaaska ay u bixiyeen, kaasi oo dalka Jarmalka uga yimid inuu ku biro AS, Ugaaska ayaa AS ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Xubnahaan ka tirsanaa AS waxay ka soo kala jeedaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, meel kala duwan oo koonfurta Soomaaliya ah ayey tababaro ku soo qaateen, aagga Jilib ayey dhowr sano joogeen, waxaana loo diyaarinayey sidii ay Somaliland uga fuli lahaayeen falal argagixiso.

Cabdikariin Ibraahim Cilmi, waxay Shabaab u magacaabeen Ugaaska beeshiisa Isaaq, waa nin oday ah oo ka yimid dalka Jarmalka, wuxuu sheegay inuu yahay cuuryaan, waxaana loo magacaabay guddoomiyaha degmada Burco.

Guddoomiye Shuute ayaa wareysi dheer la yeeshay Ugaaska, isagoo weydiiyey su’aalo adag muddo 10 daqiiqo ah, ninkaan ayaa sheegay in jaceylka uu u qabo kooxda uu uga yimid Jarmalka, balse waxaa lagu qabtay Muqdisho isagoo dhuumaaleysanaya.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah ragaan ay tashkiilanayeen bulsho ka badqabta fikirka guracan ee AS, sidoo kale waxay qirteen in magaalooyin kala duwan ay tageen, iyagoo faafinaya fikirka argagixisada.

Qaar kamid ah ragaan waxaa lagu qabtay Gaalkacyo iyagoo u socda Somaliland, magaalooyinka ay ku kulmeen waxaa ka mid ah Beledweyne, fariimo ay u direen gabdho ay shukaansanayeen oo xambaarsan fikirka kooxda AS ayaa lagu soo bandhigay fadhiga maxkamadda.

WARARKA