spot_imgspot_imgspot_img

Mareykan ah oo sabab yaab leh shaqada uga eryey Taliya Markab

Axad 08,Sept,2024 {HMC}  Taliska ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha Markabka dagaal ee USS John McCain.

Shaqo joojinta taliyaha ayaa timid kaddib markii la arkay sawir uu qori kuwa shiishka leh ah ridayey, in diiradda uu isha ku hayaa ay dhinaca qaldan u rogan tahay.

Sawirkan oo taliyuhu uu ku baahiyey baraha bulshada ayaa laga bixiyey faallooyin lagu xaqirayo xirfaddiisa.

Taliska ciidamada badda Maraykanka ayaa eriga taliyaha ku sababeeyey in ay dhimatay kalsoonidii ay ku qabeen in uu hoggaamin karo markabkan dagaal oo xambaarsan gantaalaha la hago.

Taliyahan ayaa sawirkan tirtiray, kaddib markii uu arkay dareenka taban ee laga bixiyey, waxa aanu qoray raalligelin, isaga oo dadkana uga mahadnaqay qaladka ay arkeen.

WARARKA