spot_imgspot_imgspot_img

Hogaanka Sare ee Ciidanka & Saraakiil Mareykan ah Sh/dhexe ka bilaabay Howlagalo

Axad 08,Sept,2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo saraak,iil Mareykan ah ayaa ku sugan gobolka Sh/dhexe.

Waxaa safarka taliyaha ku wahlinayay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell iyo xubno kale.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo ku sugan gobolkaas

Shirka waxaa looga hadlay sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa goobaha ay wali kaga sugan yihiin dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa amray saraakiishan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah al shabaab iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin taageerida dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

 

WARARKA