Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dagaalka Gaza oo ay u buuxsantay 11 bilood iyo hada xaalada halka ay marayso.

Axad 08,Sept,2024 {HMC} 11 bil ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Gaza, iyada oo ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Gaza iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Ilo-wareedyada caafimaadka ayaa Sabtidi sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ay ku dileen ilaa 61 qof oo Falastiiniyiin ah.

Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha.

Dhanka kale qoyska Ayshenur Ezgi Eygi oo ah muwaadinad Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeday Turkiga oo Jimcihi lagu dilay Daanta Galbeed xilli ay ka qeybgaleysay mudaaharaad looga soo horjeeday Israil, ayaa dalbaday in dilkeeda lagu sameeyo baaritaan madax bannaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa isna ku baaqay baaritaan.

WARARKA