spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasarada Arimaha Gudaha oo Tababar Usoo Xirtay Shaqaalo Ka Tirsan Sodma

Axad 08-09-2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA, kuwaas oo muddo ku dhaw bil baranayay koorsooyin la xariira xirfadaha kala duwan ee gurmadka deg-deg ah.

Xiritaanka tababarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, madax ka tirsan hay’adda bisha cas Turkiga, waxaana u jeedka tababarkaan uu ahaa in dhammaan howl-wadeennada hay’addu awood u yeeshaan ka shaqeynta howlaha gargaarka deg dega ah xilliyada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan daniiciga ahaynba dhacaan, isla-markaana ay waqti kasta aqoon ahaan diyaar u ahaadaan Jawaabaha caafimaad ee lama huraanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa kaalintooda tababarkaan uga mahad-celiyay Dowladda Turkiga, Safaaradda, Hay’adda KIZILAY, jaamacadda Cilmiga Caafimaadka ee Isbitaalka Erdogan, iyaga oo kula dardaarmay shaqaalahan in ay aqoontaan si hufan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan.

WARARKA