Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale diiday la kulanka Abiy Axmed.

Sabti 07, Sep 2024 {HMC} Sida xubno xog ogaal ah ay Warbaahinta u sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa ku wada sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay uga qeyb galeen shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania oo ay weheliyaan guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay fududeeyaan wadahadalo ay Shiinaha ku yeeshaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Xubnaha warbaahinta la wadaagay xogtaan waxay xaqiijiyeen in Xasan Sheekh uu diiday kulankaas, balse Abiy Axmed ayaa daneynayey kulankaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu adkeysatay in aan wax wadahadal toos ah lagala yeelan doonin Itoobiya haddii aysan Addis Ababa ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee maamul goboleedka Somaliland uu u saxiixay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirweynihii Beijing ka sheegay gardarada Itoobiya, wuxuuna caalamka ku wargeliyey in halista ka jirta gobolka ay sabab u tahay Itoobiya oo heshiis sharci darro ah la gashay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa gardarada Itoobiya ayaa heshiis difaac la gashay Masar iyo Turkiga, waxayna arrintaasi cabsi badan ku abuurtay Itoobiyaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga ka ogolaatay dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse Itoobiya ayaa diiday inay bedesho mowqifkeeda, waxayna dowladda Soomaaliya qaadatay go’aan aysan wadahadal kula geleyn Itoobiya ilaa ay cadeyso inay ka laabatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay.

WARARKA