Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Ukrain Zelenskyy oo codsi ka dhan ah Ruushka u gudbiyay reer Galbeedka.

Sabti 07, Sep 2024 {HMC} Ciidamada Ruushka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ku garacaayanaan qeybo badan oo kamid ah dalka Ukraine, waxaana duqeymihii ugu dambeeyay lagu laayay dad badan oo Ukraine u dhashay, waxaa sidoo kale lagu bur buriyay xarumo badan oo muhiim ahaa.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in dowladiisa ka fekereyso sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabooyin adag oo jawaab u ah duullaanka Ruushka, waxa uuna sheegay in aan laga aamusi karin duqeymaha Ruushka wadaan .

Volodymyr Zelenskyy ayaana ka dalbaday madaxda qaar kamid ah dalalka reer galbeedka in Ukraine loo oggolaado inay adeegsato hubka riddada dheer ay heestaan, si ay u beegsadaan bartilmaameedyo kuyaalla gudaha Ruushka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Ukraine haddii loo fasaxo in ay adeegsadaan hubka riddada dheer in dowladda Ruushka ku qasbi doonaan in xabbada la jooji sidoo kale la isugu yimaado miiska wadahadalka si xal nabadeed loo gaaro.

” Ciidanka Ruushka waxaan gaarsiinayna inay nabad u raadiyaan dhulkooda ama inay u dhintaan Putin.. ma dooneyno in dhulkeenna uu dagaalka ku ekaado, waxaan rabnaa Moscow iyo bartilmaameed kasta oo dhulka Ruushka ah inan garaaci karno illaa miiska wada-hadalka ay soo fadhistaan.” ayuu yiri Zelenskyy

Waddamada reer Galbeedka ayaa hub , saanad milatari iyo dhaqaalaba ku taageera dowladda Ukraine ee dagaalka kula jirta Ruushka, waxa ayna waddamada reer Galbeedka ku fashilmeen in Ukraine ka difaacaan duullaanka kaga yimid dhinaca Ruushka.

WARARKA