Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Gudoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay go’aan culus oo saameynaya warbaahinta madaxa bannaan.

Sabti 07, Sep 2024 {HMC} Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay go’aan culus oo saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha tega xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxaa lagu sheegay in maanta kadib lagu mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannanaa xarunta Villa Hargeysa iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aan si toos ah u saameynaya shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu isla go’aankan saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabteen xarunta Baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa waxaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Lama oga sababra rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda xildhibaan ka hadlay xayiraadda lagu soo rogay wariyeyaasha tagta Xarunta Villa hargaysa oo ay ku shiraan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu yahay go’aan culus oo saameyntiisa leh.

Si kastaba, waxaa todobaadkii hore istaagay kulamadii baarlamaanka, sababo la xiriira kala arati duwanaashaha xildhibaannada, inkastoo haatan xal laga gaaray.

WARARKA