Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ka dhacay Daanta Galbeed oo lagu dilay dad Falastiiniyiin ah

Jimco 06, Sep 2024 {HMC} – Shan qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Labo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdadaas. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay weerareen “koox argagixiso ah oo hubaysan” waxaana ay sheegteen in la dilay kooxdii hubaysaneed iyagoo dagaallamaya.

Warbaahinta Falastiin ayaa sidoo kale sheegtay in wiil 16 jir ah ay askarta Israa’iil ku toogteen meel u dhow xerada qaxootiga ee Al-Faraa.

Muddo sagaal maalmood ah ayay ciidamada Israa’iil waxay duullaan ku wadeen magaalooyinka woqooyiga, taasi oo qayb ka ah wax ay ku sheegeen hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah argagixisada.

Howlgalladaan ugu dambeeyay ayaa la sheegay in lagu dilay 36 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 21 qof oo lagu dilay xerad Jenin.

WARARKA