Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Kawada Hadlen Xasan Shekh iyo Xi Jinping?

Jimco 06, Sep 2024 {HMC}  – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah Madaxtooyada Beijing kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Xi Jinping ayaa xusay ballan-qaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Si gaar ah wuxuu Mr. Jinping u carabaabay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, waxayna Beijing ay siiyo xukuumadda Muqdisho taageero dhowr jiho ah, ayada oo dhinacyadu horey u gaareen heshiisyo kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

WARARKA