Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Faah faahin wiil lagu Afduubtay Baladweyne.

Jimco 06, Sep 2024 {HMC} Faah Faahino Dheeraadayaa kaso Baxayo wiil Dhalin yaro oo Shalay laga Afduubtay Magaalada Baladweyne,

Wiilkan ayaana waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Cumar Cilmi waxaana Afduubtay Dableey hubeeysan kuwaasi oo aanan la Ogeeyn Meel ay Geeyeen,

Ilo kala Duwan ayaa Hiiraan wexeey u sheegeen in Afduubkan ay la Xiriirto Wiilkan walaalkiis in uu lacag Sideetan kun oo Dollar ay ku Haaystaan Raga Afduubtay,

Waxaa Jiro Dadaalo kala Duwan oo saacadihii lasoo Dhaafay ay waden Odyaasha dhaqanka Magaalada Baladweyne oo la Doonayey Arintaan in lagu Xaliyo Balse ma Noqon kuwa Guuleeysta,

Majirto illaa iyo haatan wax war ah oo kasoo Maamulka Baladweyne iyo kan Gobolka Hiiraan oo ay kaga hadleen Dhacdadaan,

Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa Mudooyinkii ugu Dambeeyey Faraha Kasii Baxayey iyadoona ay Bateen Dhaca Dilal iyo Afduubka loo Geeysano Shacabka.

WARARKA