Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday la kulanka RW Abiy Axmed

Jimco 06, Sep 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa diiday in uu la kulmo Ra iisulwasaaraha Itoobiya Abii Axmed, ka dib soo jeedin ka timi Madaxweynayaasha Wadamada kala ah Jabuuti, Muritaaniya, Nayjeeriya & Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika.

Warka waxaa xaqiijiyay diblumaasiyiin ku sugnaa Magaalada Bijiin ee Dalka Shiinaha oo si dhow ula socday arrintan.

Madaxdan ayaa doonaysay in ay fududeeyaan wada-hadal toos ah Dalka Shiinaha ku dhexmara Soomaaliya iyo itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu dhahay markii Itoobiya ay ka laabato is afgaradkii ay Soomaaliland la gashay raali gilina ay ka bixiso gafkii ay kula kacday Soomaaliya ayaan la hadlaa Itoobiy.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WARARKA