Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Booyadaha qaada shidaalka oo badankood Soomaali leedahay oo ku xaniban xadka ay wadaagaan labada Sudan

Jimco 06, Sep 2024 {HMC} – Ku dhawaad laba boqol oo ah Booyado sida shidaal oo ku xanibnaa xadka dalka Koonfurta Sudan uu la wadaago dalka Sudan ayaa lagu soo warramayaa, in lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee gaadiidkaan loogu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo aarrintaan ku saabsan marka laga yimaado in ay amarka soo saartay.

Booyadahaan oo intooda badan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku wajahnaa magaalada Abyei ee xadka labada Sudan ku taalla sida uu sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabbdirisaaq Axmed (Boqol).

Boqol wuxuu sheegay in muddadii ay jidka ku sii jireen koox burcad ah ay ka dileen nin magaciisa uu ku soo koobay Xuseen.Wuxuu sidoo kale sheegay in gawaarida ay leeyihiin Qaramada Midoobey kaliya loo oggalaaday in ay gudbaan.

Booyadahaan iyo gawaarida kale ee loo diiday in ay tagaan halkii bartilmaameedku ahaa ayaa markii hore qaarkood ka baxay dalka Kenya, halka qaarka kalena ay ka ambabaxeen magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Sudan.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa waxaa ka muuqanayay booyado badan oo saf dheer ku jira isla markaana tuban waddo dhinaceed oo lagu sheegay in ay leeyhiin dad Somaali ah.

Wada-yaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan ilaa iyo hadda wax caawin ah helin, maadama ay jirto safaarad Soomaaliya ku leedahay dalkaas.

WARARKA