Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Masuul ka tirsan Hirshabeelle oo Xalay Baladweyne Lagu dhawacay.

Khamiis 05, Sep 2024 {HMC} Faah Faahin dheerad ah Ayaa kasoo baxeeyso Dhawac Baladweyne Loogu Geeystay Xalay Isku duwahii Wasaarada Biyaha iyo Tamarta Gobolka Hiiraan ee Dowlada Gobelledka Hirshabeelle Cali Maxamed Jabriil.

Agaasime Cawil ayaa waxaa dhacay Koox Burcad Hubeeysan ah oo qoyskiisa qeeybo kamid ah doonayay in ay Moobeelada dhacaan, Masuulkan oo Gurigiisa joogay ayaa kusoo baxay Arintan, waxaana Halkaasi ka dhacay is Rasaaseyn Kooban.

Dhowr Xabadood ayaa ugu dhacday Gacanta Midig Isku-duwe Cawil, Waxaana dhawaciisa la qorsheeynayaa in Saakay loo qaado Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Sida uu Hiiraanweyn u sheegay Agaasime Cawil.

Kooxda dhaawacday Cawil ayuu sheegay in ay wateeyn Mooto Bajaaj ay dadka ku dhacayeen, waxaana ay ka baxsadeeyn goobta uu falkan ka dhacay. Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa aad u xumay Mudooyinkii dambo.

Ciidamo Xasalin ah oo Boolis iyo Nabad-sugid iskugu jirto ayaa la sameeyay todobaadkan, kuwaas oo loo diyaariyay in ay wax ka badalaan xaalada Amaan ee Magaalada, waxaana wali socda dhibaataada Burcadka Hubeeysan ay ku haayan dadka deegaanka.

WARARKA