Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maraykanka oo ku eedeyey warbaahinta Ruushka faragalin doorashada dalkaasi

Khamiis 05, Sep 2024 {HMC}  Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay labada tafaftire ee ugu sarreeya TV-ga RT ee ay maalgeliso dowladda Ruushka, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka qeyb qaateen howlgalk Kremlin-ku ku faragalinayeen doorashada madaxtinimada ee November. Warbaahinahan la eedeeyey ayaa iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay.

Maamulka ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin “si adag looga hortago” hawlgallada la sheegay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland, ayaa ku eedeeyay warbaahinta RT, oo hore u ahaan jirtay Russia Today, in ay bixisay 10 milyan oo dollar oo la siiyey shirkad Tennessee si ay u “abuurto oo ugu qaybiso waxa dhagaystayaasha Maraykanka fariinta qarsoon ee dawladda Ruushka”.

Madaxa RT Margarita Simonyan, waxay ka mid ahayd 10 qof oo la cunaqabateeyey laguna eedeeyay inay isku dayeen inay waxyeeleeyaan “kalsoonida dadweynaha”.

Warbaahinta RT ayaa diiday ku lug lahaanshaha arrimahaas.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby, ayaa sheegay in barnaamijkan Ruushku uu uga dan leeyahay “in la dhimo taageerada caalamiga ah ee Ukraine, xoojinta siyaasadaha iyo danaha Ruushka u janjeera, iyo in saameyn lagu yeesho codbixiyayaasha halkan Maraykanka”.

WARARKA