Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahino kasoo Baxaya Hoobiyaal lagu garaacay Garoonka Aadan Cadde

Khamiis 05, Sep 2024 {HMC} Waxaa saakay aroortii hore tiro hoobiyaal ah lagu garaacay aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaashan dhawaqooda si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah caasimadda.

Inta la xaqijiyay ilaa afar hoobiye ayaa loo soo tuuray dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdidho, hoobiyaasha qaarkood ayaana ku dhacay xaafado ka agdhaw garoonka , halka kuwa kalana ku dhaceen aagga garoonka.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dad shacab ah, waxaana loola cararay dadka waxyeelada soo gaartay isbitaallo kuyaalla caasimadda.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin hoobiyaashan saakay laga maqlay magaalada Muqdisho iyo khasaraaha ka dhashay, waxaana la sheegay in ciidamo ku baxeen aagga la tuhmayo in hoobiyaasha laga soo tuuray.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan hoobiyaal kusoo tuurta bartilmaameedyo kuyaalla magaalada Muqdiho, hoobiyaasha qaarkood ayaana ku dhacay xaafado dad shacab ah degan yihiin ,kuwaa oo geestay waxyeelo badab oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

WARARKA