Arbaco 4, Sep 2024 {HMC} Saaxiibbada siyaasiga mucaaradka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in dhakhaatiirtu ay lugtiisa ka soo saareen qaybo ka mid ah sunta dadka ka ilmeysiisa.
Waxay ku eedeeyeen booliiska inay si ula kac ah u beegsadeen fannaanka- siyaasiga Talaadadii isagoo isku dayay inuu taageerayaasha xisbiga kula kulmo duleedka caasimadda, Kampala
Xubin sare oo ka tirsan xisbigiisa The National Unity Platform ayaa sheegay in tallaabada booliisku ay calaamad kale u tahay in taliskii daalay uu u weecday dhanka rabshadaha ka dib markii uu xukunka hayay ku dhawaad afartan sano.
Bilayska ayaa markii hore sheegay in Bobi Wine uu turunturooday oo uu is dhaawacay isaga oo fuulaya gaarigiisa. Boolisku si joogto ah ayay u joojiyeen shirar iyo isu soo baxyo ay mucaaradku lahaayen.