spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu RW Hore Kheyre Ka Yiri Xildhibaanada Taageeray itoobiya

Arbaco 04-09-2024 {HMC}  RW hore ee Somalia xassan Cali Khayre ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay xildhibaanno kasoo jeeda deegaannada Konfur Galbeed oo taageero u muujiyay ciidamada Itoobiya ee xilligan jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Khayre ayaa xusay in ka hortagga damaca dowladda Itoobiya ay tahay masuuliyad dowladeed, balse aysan aheyn mid beeleed, waxa uuna intaa ku daray in aysan arrinta Itoobiya waxba ka gelin odayaal magac qabiil ku hanjabaya

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY KHAYRE

Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna.

Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta, Dowladda Federaalkuna waa in ay masuuliyad gaar ah iska saartaa sidii ay u dabooli lahayd baahidaas amni, xaqiiqadaas qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye.

Dariiqa maanta dalka looga badbaadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in Dalka iyo Dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed. Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.

Waxaan madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay la yimaadaan aragti Qaran, waaqici ah, jiheyn karta bulshada, mideyn karta cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed; mudnaanna siiyaan danta guud, kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalkeenna iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

WARARKA