spot_imgspot_imgspot_img

Midowga Yurub oo Madaxweyne Xasan Sheekh dajinta xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya.

Arbaco 04-09-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell .

Wadahadalka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Josep Borrel ayaa looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Midiwga Yurub ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Midowga Yurub garab istaag u muujiyeen Soomaaliya , iyaga oo caddeeyay in aysan raali ka aheyn in lagu xadgudbo madaxbannaadida Soomaaliya.

WARARKA