spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo War Kasoo Saartay Duqeeyn Ka Dhacday Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Arbaco 04-09-2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaas oo lasoo wariyay iney isku arursanayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la tilmaamay iney khasaare xoog leh kasoo gaartay xubnaha Shabaab ee isku aruursanaayay goobaha la duqeeyay.

Hoos Ka Aqriso Warbixinta Doowlada:

WARARKA