spot_imgspot_imgspot_img

Somaliland oo ka hadashay Sababta loo xiray Xildhibaan Abiib

Talaado 03-09-2024 {HMC} Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Somaliland , ayaa qoraal uusoo saaray ku shaaciyay sababta ay ciidamada ammaanka u xireen xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo katirsan goaha Wakiillada Somaliland, kaa oo shalay laga xiray garoonka Hargeysa xilli uu Dubai ka yimid.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa lagu sheegay in xildhibaanka la xiray uu faraha kula jiray dambiyo culus, waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in sababta loo xiray xildhibaanka saakay la socodsiiyeen golaha Wakiillada.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaana sheegay in codkii ay saakay golaha Wakiillada u qaadeen xasaanad ka xayuubinta xildhibaanka ay aheyd mid ay bisgii July u gudbiyeen golaha Wakiillada, waxa uuna xusay in wali uu taagan yahay dambiyada loo heesto Xildhibaan Abiib.

Qoraalkan kasoo baxay Xeer ilaaliyaha maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya , xilli saakay xildhibaannada golaha Wakiillada cod ay u qaadeen xasaanad ka xauubinta xildhibaanka si aqlabiyad eh u diideen, iyagoona ku baaqay in xildhibaanka deg deg loo soo daayo.

WARARKA