Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Orodyahanad Reer Ugaandha ah oo Saaxiibkeed ku gubay gudaha Dalka Kenya.

Talaado 3, sep 2024 {HMC} Orodyahanad u dhalatay dalka Uganda laguna Magacaabo Rebecca Cheptegei ayaa hada ku xanuunsanaysa isbitaal ku yaalla dalka Kenya, kadib markii la sheegay in lagu shubay batrool kadibna uu dab qabadsiiyay wiil ay saaxiibo ahaayeen.

Rebecca Cheptegei oo ah 33 sono jirka ka qeyb gashay tartankii Olombikada ee dhawaan ka dhacay magaalada Paris ee Dalka Faransiiska ayaa waxaa soo gaaray gubasho in ka badan 75% jirkeeda, sida ay booliisku sheegeen.

Waxaa lagu weeraray gurigeeda oo ku yaala galbeedka Wadanka Kenya, halkaasoo ay tababar ku qaadaneysay.

Ms Cheptegei ayaa la sheegay in ay soo badbaadiyeen dad daris ah ka dib dhacdadii Axadii ka dhacday gurigeeda oo ku yaala magaalada yar ee Endebess. Iyadoona xiliga la weerarayay ay joogtay gurigeeda banaankiisa

Eedeysanaha weerarka geystay ayaa sidoo kale soo gaaray gubasho halis ah, sida uu saxaafadda u sheegay taliyaha booliska deegaanka Jeremiah ole Kosiom.

Labada qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalka Moi Referral ee magaalada Eldoret, oo ah magaalada ugu weyn gobolka.

“Lammaanaha ayaa la maqlay iyagoo isku haya bannaanka gurigooda. Intii uu dagaalku socday, waxa la arkayay saaxiibkii oo dareere ku shubaya haweenayda ka hor inta aanu gubin,” ayuu yidhi Mr Kosiom.

Ms Cheptegei, oo ka soo jeeda gobol ka soo horjeeda xuduudka Uganda, ayaa la sheegay in ay iibsatay dhul ku yaalla degmada Trans Nzoia oo ay guri ka dhisatay, si ay ugu dhowaato xarumo badan oo lagu tababaro ciyaaraha fudud ee Kenya.

Warbixin uu soo gudbiyay maamul ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu sheegay in labada nin ay ku murmeen dhulkaasi. Booliska ayaa sheegay in baaritaan uu socdo.

Ms Cheptegei ayaa ku dhameysatay kaalinta 44-aad ee orodka marathon-ka ee ciyaarihii Olombikada ee dhawaan ka dhacay magaalada Paris.

Waxay sidoo kale ku guulaysatay dahabka Horyaalada Orodka Buuraha Adduunka iyo Trail Running ee Chiang Mai, Thailand, 2022.

Bishii Abriil 2022, gabadh kale oo orodyahan ah, Damaris Mutua, ayaa laga helay iyada oo lagu ceejinayo guri iyada oo barkin wajigeeda saaran yahay magaalada Rift Valley ee Iten.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, Orodyahan kale oo u dhashay dalka Uganda, Benjamin Kiplagat ayaa weerar ay ku dileen kooxo hubeysan gudaha magaalada Eldoret.

Waxaa jira walaac laga qabo dhibaatooyinka sii kordhaya ee ka dhanka ah gabdhaha ciyaaraha fudud ee Kenya, kuwaas oo qaarkood ay sababeen dhimasho.

 

WARARKA