spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bilaaabay qorshe ka dhan ah xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee gilgileysa gobolka.

Talaado 3, sep 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah ee Muqdisho ku sugan, isagoo warbixin ka siiyey xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee gilgileysa gobolka.

Kulamada oo gaar ahaa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta la yeeshay xubno ay ka kid yihiin Ergeyga joogtada ah ee Denmark u fadhiya Qaramada Midoobay Ms. Christina Markus Lassen, safiirka Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen iyo Agaasimaha siyaasadda horumarinta iyo maaliyadda ee Afrika Mr. Ketil Iversen Karlsen.

Villa Somalia waxay qoraal Twitter-ka lagu baahiyey ku sheegtay in kulamadaas looga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Denmark ee dhinacyada amniga, isbeddelka cimilada, dowlad-dhisidda, iyo horumarka.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen xubno xog ogaal ah, Madaxweynaha iyo diblomaasiyiinta uu maanta qaabilay ayaa kulamadooda diiradda ku saaray xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna madaxweynaha la wadaageen walaaca ay qabaan iyo in wadahadalku uu xal u yahay xiisadaan.

Waxaa jiray kulan kale oo isla maanta uu Xasan Sheekh xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha.

“Madaxweynaha iyo danjiraha intii uu socday kulankooda waxay sahmiyeen siyaabaha loo sii wanaajin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Sweden ee dhinacyada muhiimka ah ee danaha iyo faa’iidada u leh labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

WARARKA