spot_imgspot_imgspot_img

In ka badan 120 qof ayaa lagu dilay Xabsi Kuyaalo Dalka DR Congo

Talaado 3, sep 2024 {HMC} Isku daygii ay ku doonayeen maxaabiis in ay kaga baxsadaan xabsi ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ee Kinshasa, ayaa sababay dhimashada 129 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kongo Jacquemain Shabani ayaa sheegay in 24 maxbuus ay u dhinteen dhaawacyo ka soo gaaray rasaasta ka dib markii la furay rasaas digniin ah halka kuwa kale ay u dhinteen neef-qabatin subaxnimadii hore ee Maalintii isniinta.

Dowladda Kongo ayaa markii hore isku dayday in ay qariso qasaaraha ka dhashay Xabsiga dhaxe waxana ay dowladda warbaahinta u sheegeen in ay labo maxbuus ku geeriyoodeen balse saacado kadib ayaa la ogaaday in qasaare xoogan uu ka dhashay

Warbaahinta gudaha ayaa sameeyay isku day ay ku tagayaan xabsiga dadka badan lagu dilay balse ciidamada dowladda ayaa is hortaag ku sameeyay oo diiday in ay suxufiyiinta tagaan xabsiga dhaxe ee dalkaas,

Dad ku noolaa agagaarka xabsiga waxa ay sheegeen in ay maqleen dhawaqa rasaasta oo waqti dheer socotay taas oo lagu macneeyay sababta keentay dhimashada Badan

“Waxaa jiray rasaas dhacaysa 01:00 ama 02:00 subaxnimo, iyo ilaa 05:00, Waxaa jira dhimasho, waxaana jira dad cararay, ciidamada ammaanka ayaa meydadka ka qaadayay banaanka xabsiga “ Daddi Soso, oo ku nool meel u dhow xabsiga, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Muuqaalo laga soo duubay gudaha xabsiga Isniintii, balse aysan aysan warbaahintu xaqiijin karin, ayaa muujinaya meydad badan oo dhulka yaalla iyo dad ku qeylinaayo in la caawi xili ay socoday isku dhaca

Mr Shabani ayaa muuqaal soo dhigay bartiisa X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, ku dhawaad 24 saac ka dib isku daygii dhacay, isagoo qiraya heerka ay gaarsiisan tahay dhacdada iyo tirada dhimashada.

“Tani waxay sidoo kale fursad u tahay inaan ammaanno dhammaan laamaha amniga, booliiska qaranka, iyo ciidanka, kuwaas oo si degdeg ah uga jawaabay oo awooday inay xakameeyaan xaaladda, ka hortagga baxsadka,” ayuu yidhi Mr Shabani.

Xabsiga Makala ayaa qaadi kara 1,500 oo maxbuus, balse in ka badan 14,000 oo maxbuus ayaa ku xirnaa halkaas, sida ay sheegtay AFP.

Sannadkii 2020, BBC-da waxay la hadashay sarkaal xabsiga ka tirsan oo ka warramay sida ay dadku ugu dhimanayaan halkaas xaalado xumo darteed – oo ay ku jiraan cunto yari iyo nadaafad darro.

Toddoba sano ka hor, ugu yaraan 4,000 oo maxbuus ayaa ka baxsaday isla xabsiga – kan ugu weyn dalka.

WARARKA