Isniin 2, sep 2024 {HMC} Wararka ka imanaay Wadanka koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay laba wiil oo dhallinyaro ah .
Mid ka mid ah wiilasha oo ahaa taksiile ayaa la afduubtay kadibna dhaawac soo gaaray uu markii danbe u dhintay.
Suldaan Nimcaan Axmed oo ka mid ah ganacsatada ku sugan dalka koonfur Afrika ayaa BBCda u sheegay in maalintii jimacaha gelinkeedii mid ka mid ah wiilasha oo ahaa dhalinayarad takaasida Uber ka shaqeysa la afduubay, xilliyadii fiidkii ayaa la ogaaday in uu maqanyahay oo aanay isgaarsiintiisu shaqeyneynin, raadin badan kadib maalintii Sabtida ahayd aya laga helay meel cidla ah oo lagu tuuray isagoo jirdil badan loo geeystay oo aan nuuxsaneyn, kadib markii lasoo qaaday oo cisbitaalka la dhigay malaintii shalay ahayd ayuu dhintay. buu yiri Suldaan Nimcaan.
Suldaan waxa kale oo u sheegay in maalintii axadda ahayd in wiil somalaiyeed oo dukaan kaligii joogay, dukanakii logu tagay laguna rasaaseeyay oo halkaasi lagu dilay , wiilkaas lama helin wax faahfaahin ah sababta loo dilay “laakjin isagoo meyd ah baa wiilka loo tagay”
Labada wiil ee Soomaalida ah ayaa xalay maqribnimadii la aasay.
Gobolka wilaashaasi lagu dilay aya la yiraa Eestern Cape , magaalada Port Elizabeth.
Xigasho BBC