spot_imgspot_imgspot_img

Dayuurada Kenya Airways oo loo oggolaaday inay sii wadato safarkeeda Muqdisho

Isniin 02-09-2024 {HMC} Dayuurada Kenya Airways ayaa loo oggolaaday inay sii wadato safarkeeda, kaddib muddo saacado ah oo lagu xannibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada M Muqdisho

Heyadda Duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday iney sharraxaad uga bixiso tacadi ay kula kacday muwaadiniin Soomaali ah oo muddo saddex cisho ah ay ku heysay garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo aan wax xuquuqa ah siin.

Saraakiisha garoonka Muqdisho, ayaa sheegay in Kenya Airways ay oggolaatay inay bixiso raalligelin iyo magdhowga sharciga ah ee ficilka ay kula kacday muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana loo qabtay muddo saddex cisho ah inay ku soo bandhigto.

Waxaa loo sheegay haddii aysan sidaa sameyn inay la kulmi karto talaabo adag oo looga mamnuucayo duulimaadyadeeda Soomaaliya.

Kenya Airways ayaa baajisay duulimaadkeedii Muqdisho imaan lahaa saddexdii maalin ee u dambeysay, waxaana duulimaadkaas uu soo qaadi lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo ka yimid dalal kala duwan, kuwaasoo aan la dejin hotel, ama dal ku gal loo oggolaan waxaa ka dhalatay iney maalmo badan ku xanibmaan garoonka Jomo Kenyatta, taasoo baalmarsan shuruucda caalamiga ah ee duulimaadka.

In ka badan 15 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ku soo gudbiyay xaaladda tacadiga ah ee ay ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo ay hadda Kenya Airways wajahayso inay magdhow siiso muwaadiniinta ay tacadiga kula kacday.

WARARKA