spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha BJFS oo Ka Qeyb Galay Siyaarada Sheekh Suufi.

Isniin 02-09-2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay siyaarada Sheekh Cabdiraxmaan Cabdullaahi Sheekh Suufi oo galabta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Siyaarada124-aad ee Sheekh Cabdiraxmaan Cabdullaahi Sheekh Suufi ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro,Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee culimada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa culimada Soomaaliyeed kaga mahad celiyay sida ay isugu soo baxeen iyo sida sharafta leh oo ay u maamuuseen Sheekh Cabdiraxmaan Suufi oo taariikh wanaagsan ku leh dalka.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qeyb galo munaasabadan qiimaha badan ee Siyaarada Sheekh Suufi oo ka soo wareegatay 124-sano, Sheekh Cabdiraxmaan Suufi waa Sheekh ku weyn quluubta Umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Culimada Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan ka hortaga fikirka Khawaariijta iyo sidii guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa.

“Culimada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro cadowga Khawaariijta oo dhibaato weyn ku haya shacabkeena, waa in culimadu sameysaa wacyi gelin joogto ah oo dadka loogugu baaqayo ka qeyb galka dagaalka lagula jiro Khawaariijta”. ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay dowladooda ku garab istaagaan dagaalka dalka oo dhan looga ciribtirayo AS.

WARARKA