Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ukraine weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Moscow

Axad Sept 01, 2024 {HMC}  Ukraine ayaa 158 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay Moscow iyo koonfur galbeed Ruushka

Wasaaradda difaaca Ruushka ay sheegtay inta uu weerarkan socday saacadihii hore ee saakay iyo xalay in laga hortagay oo diyaaradahan dhulka la soo dhigay dhamaantood.

Weerarkan ayaa ku soo aaday xili Ruushka uu ku dhawaaqay bariga dhulka Ukraine inuu ku dilay in ka badan kun askari oo militariga Ukraine ah.

Dagaalka saddexda sanno ka badan socda ayaa hadda u muuqda mid ay khataro badan ka buuxan oo waji kale yeeshay, sababtoo ah weerarrada labada dhinac ayaa ah kuwii ugu sarreeyay tan iyo bilowgii dagaalka.

Xoghayaha guud ee isbahaysiga NATO, Jens Stoltenberg ayaa taageerray duulaanka ciidanka Ukraine ay ku galeen dhulka Ruushka , isagoo ku sheegay inay xaq u leedahay Ukraine inay is difaacdo.

WARARKA