spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii Ergaynimo ka qaaday C/rashiid Jilay oo taageeray Itoobiya.

Axad 01, Sept  2024 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

 

Intabadan dadka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday Xildhibaanadii taageeeray Itoobiya.

WARARKA