Jarmalka ayaa intii kaga harsanayd ciidamadiisa kala baxay xadka dalka Niger, arrintaan ayaana noqonaysa soo afjarista howlgaladii ay ka wadeen Saxaraha.
Saraakiil ka tirsan Jarmalka iyo Niger ayaa sheegay in bixitaanka la soo gunaanaday Jimcihii.
Lixdan ciidamada Jarmlaka ah iyo 146 tan oo qalab ah ayaa lagu daabulay diyaarado xamuul ah kuwaas oo ka deday dalka Jarmalka fiidnimadii jimcihii.
Bishii May Niger ayaa u ogolaatay ciidmada Jarmalka inay sii daganaadaan saldhigooda Niamey ayna sii wadaan howlgalada inta la gaarayo 31 bishan Ogoosto.
Wadahadaladda labada dhinac ayaa ahaa marxalad adag ka dib markii Niger ay ku guuldareysatay inay hubiso in ciidamada Jarmalka ee ku sugan dalka ay ka faa’iideysanayaan xasaanadda sharciga.
“Ka bixitaankooda ma muujineyso in uu dhamaaday wada shaqeyntii militari ee ka dhaxeysay Niger iyo Germany” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen mas’uuliyiinta labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadida xiriirkooda militari.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaas ayaa gabi ahaanba ka duwan kii wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock, oo sheegtay bishii Luulyo in aysan hadda wixii ka dambeeya la shaqeyn karin Niger, sababo ay kalsooni darro ku jirto awgeed.
Jarmalku waxa uu hawlgalkiisa ka bilaabay saldhiga ciidamada cirka ee Niamey sanadkii 2016-kii, waxana dalkaas ka joogay ilaa 3,200 oo askari.
Berlin waxay sidoo kale gacan ka geysatay dagaalka ka dhanka ah fallaagada dalka deriska la ah ee Mali, taasoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee lagu khasbay inuu soo afjaro howlihiisa sannadkii hore.