spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahino kasoo baxaya Ciidamo ku dagaalamay Xarardheere

Axad Sept 01, 2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug , ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay labo ciidan oo magaalada kuwada sugan, waxa uuna dagaalkaasi khal khal badan ku beeray dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ka dhacay degmada Xarardheere ayaa u dhaxeeyay ciidamo taabacsan maamul cusub uu dhawaan Madaxweynaha Galmudug u magacaabay degmadaasi iyo ciidamo kale oo horey ugu sugnaa Xarardheere.

Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Xarardheere, waxaana wali gudaha degmada laga dareemayaa xiisad u dhaxeysa labada ciidan ee iska soo horjeeda kuna dagaallamay maanta degmadaasi.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ka dhacay gudaha degmada Xarardheere, waxaana aaga lagu dagaallamay isaga qaxay dadka shacabka ah ee halkaasi degan, kuwaa oo ka cabsi qaba in mar kale labada ciidan isku dhacaan.

Degmada Xarardheere waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad ka dhalatay xil ka qaadis uu guddoomiyihii degmadaasi ku sameeyay Madaxweynaha Galmudug, waxaana magaalada wali ka jirta xiisado , iyada oona ay kuwada sugan yihiin ciidamo iska soo horjeeda.

WARARKA