Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda soomaaliya oo ku sugan Bar koontorool oo ku Taallo Xaafada Howl wadaag ayaa Dilay Cabdi wali shiine oo kamid ah Dhalinyarada Magaalada Baladweyne,
ilo kala Duwan oo ku sugnaa Goobta uu Dilka ka dhacay ayaa Hiiraanweyn u sheegay in Muran uu soo kala dhaxgalay Askariga iyo wiilkan dhalinyarada ah intaasi kadibne Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Rasaas ku Furay,
ilaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo Baxay Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Maamulka Magaalada Baladweyne ay kaga hadlayaan Dilka Magaalada Baladweyne loogu Geeystay Cabdi wali Shiine.
Wixii warar ah ee kasoo Kordho kala Soco Hiiraanweyn