spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MD Qoor Qoor oo Lacag Gudoonsiiyay Ardaydii Kalma Hore Galay

Sabti 31-August 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye , ayaa maanta qaabilay saddex arday oo kasoo jeeda Galmudug, kuwaa oo kamid noqday 10 ka arday ee ugu sarreysay natiijada imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.

Axmed Qoorqoor ayaa ku bogaadiyay ardaydan dedaalka dheeraadka ah ay sameeyeen, waxa uuna sheegay in magac usoo jiideen Galmudug oo sannadihii lasoo dhaafay aan inta badan ka muuqan safka hore.

Madaxweynaha Galmudug ayaana lacag abaalmarin ah oo u dhaxeysa 5 kun ilaa 2 kun oo dollar kala siiyay saddexda arday ee Galmudug ugu sarreeyay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo sannadkan ka qeyb galeen arday ka badan 35 kun.

Imtixaanka shahaadiga sannadkan waxaa kaalinta koobaad u galay arday kasoo jeeda gobolka Banaadir, mana jirto maamulka gobolka Banaadir maamuus ay wiilkaasi magaca usoo hoyiyay u sameeyeen.

WARARKA