spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maalinta Labaad oo Deegaanda Koofur Galbeed Laga Taageeray itoobiya

Sabti 31-August 2024 {HMC} Waxaa maanta degmada Waajid ee gobolka Bakool ka dhacay dibadbax kale oo lagu taageerayay ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaar kamid ah deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana dibadbaxa abaabulay maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Dibadbaxan oo ay isugu soo baxeen dad u badnaa kuwa lasoo qasbay ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macallin Yusuuf, waxaa sidoo kale ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil kale oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha degmada Waajid oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in maamulkiisa iyo dadka deegaankaba taageersan yihiin in ciidamada Itoobiya sii joogaan deegaannadooda, waxa ayna kahor yimaadeen in ciidamo ka socda dalka Masar la keeno Soomaaliya.

Dadka dibadbaxa kasoo qeybgalay ayaa loo qeybiyay warqado ay ku qornaayeen waxaan rabnaa dowladda Itoobiya iyo ma rabno dowladda Masar, waxaana dadka shacabka ah loo dhiibayay warqadahan maamulka Koonfur Galbeed soo diyaariyay si dadka loogu sawirro iyaga oo wata.

Dibadbax kan lamid ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, maamulka Koonfur Galbeed ayaana noqday maamulkii ugu horreeyay ee la safta dalka cadawga ee Itoobiya, iyadoona deegaannada maamulkaasi laga dhigayo dibadbaxyo jaceyl loogu muujinayo Itoobiya

WARARKA