spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Yihiin Wasiirrada katirsan Isra’il oo Midowga Yurub cunaqabateyta saarayo?

Khamiis 29 August 2024 {HMC} Midowga Yurub ayaa ka baaraandegaya qorshe la doonayo in cunaqabateyn lagu saaro wasiirro katirsan maamulka Israa’iil, kuwaa oo lagu eedeenayo in qeyb weyn ka yihiin dagaalka ka socda Gaza iyo in ay ku kaceyn falal xadgudubyo ah.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa shaaciyay inuu bilaabay habka xanibaadda lagu saarayo qaar kamida golaha wasiirada Israa’iil, si loo eego haddii dalalka xubnaha ka ah ay u arkaan “mid ku habboon” in la cunaqabateeyo qaar ka mid ah wasiirrada Israa’iil.

Wasiirrada Israa’iil katirsan ee Midowga Yurub u qalqaalinayo cunaqabateyn ayaa la sheegay in ay ku hoolan yihiin gudbinta farriimo naceyb ku saleysan oo ka dhan ah Falastiin , sidoo kale soo gudbinayaan waxyaabo kasoo horjeeda sharciga caakamiga ah.

”Waa in tallaabo laga qaadaa oo cunaqabateyn la saaraa kuwa bilaabay farriimaha nacaybka aan la aqbali karin ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, soona jeedinaya waxyaabo si cad uga soo horjeeda sharciga caalamiga ah” ayuu yiri Madaxa siyaasadda ee Midowga Yurub.

Istaa’iil ayaa gashay dambiyo badan oo ka dhan ah bini’aadannimada, waxa ayna ku kaceen falal badan oo liddi ku ah shuruucda caalamiga ah, mana jirto iaa hadda tallaabooyin cad oo laga qaaday maamulkaasi oo xasuuq wali u geesanaya shacabka Falastiin , gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gaza.

WARARKA