spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Gobalka Banaadir oo Soo Bandhigay Maandooriye Halis ah

Khamiis 29-August 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka booliiska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen maandooriyaal halis ku ah bulshada caasimadda, kaas oo lagu gubay duleedka degmada Kaaraan.

Goobta lagu soo bandhigayay ee maandooriyaasha la qabtay waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir , Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaanay ciidankii soo qabtay maandooriyaha , waxa uuna ugu digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha iney ka waan toowaan, cidii lagu soo qabtana sharciga lala tiigsan doono.

Maandooriyaasha ciidamada ammaanka soo qabteen oo isugu jiray khamri, xashiish, calaq ,kaniiniyaal iyo waxyaabo kale oo maankadooriya ayaa lagu gubay goob fagaare ah, waxaana dadkii lagu qabtay maandooriyaasha qaarkood la sheegay in ay xiran yihiin.

WARARKA