Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Saabiriin Cabdullaahi oo Kaalinta 1-aad ka gashay Imtixaankka Hirshabelle.

Isniin 26, August 2024 {HMC} Imtaxaanka fasalka 8 aad ee doowlada gobaleedka Hirshabeele oo aay u fariisteen in ku dhaw 5,000 oo ardayd waxaa kaalinta 1-aad ugashay Saabariin Cabdullahi Cabdi Cosoble oo dhigato dugsiga hoose dhaxe sare ee Roowdatul iimaan faraciisa labaad oo ku yaala maagaalada Baladweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.

Maamulka iskuulka Roowdatul imaan ayaa aad ugu mahadciliyay ardayadani Kasoo muuqaday kalinta ugu Horeyso ee dowlad gobaleedka Hirshabeele.

Dhanka kale ehelada Saabariin ayaa umahadciliyay Maamulka iyo Macalimiinta iskuulka Roowdatul iimaan dadaalki ay galiyeen Saabariin oo ugu dambeyn magac usoo hoysay gobalka iyo Schoolkaba

Intaa Kidib Saabariin oo warbaahinta Hiiraanweyn la hadashay ayaa ka warantay dareenkeeda ku aadan kaalinta koowaad wexeeyna umahadcilisay maamulka iyo macalimiinta Iskuulka Rowdatul iimaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

WARARKA