spot_imgspot_imgspot_img

Waa Kuma Jeneraalka caanka Ahaa ee uu lataliye u magacaabay MD Xasan?

Axad, 25, Agoosto, 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareegto uu soo saaray u magacaabay Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud in uu noqdo lataliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Jeneraal Cabdullaahi Gaafow ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya , agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xildhibaan heer Federaal.

Lataliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Gaafow ayaa ah sargaal ciidan oo khibrad badan u leh arrimaha ciidamada wax badana kusoo jiray.

WARARKA