spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Yihiin Saraakiisha Ciidan ee DFS Dabagalka Ku Haayso?

Axad, 25, Agoosto, 2024 {HMC}  Saraakiil katirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay si hoose ula shaqeeyaan Al Shabaab, waxaana hadda baaris iyo dabagal lagu bilaabay saraakiil lagu tuhmayo in xiiir wada shaqeyn kala dhaxeeyo kooxda Al Shabaab.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Axmed Cabdalla, ayaa sheegay in ay hayaan xogta saraakiil iyo askar katirsan ciidanka dowladda oo wada shaqeyn iyo gacan saar la leh kooxda Al Shabaab .

Waxa uu sheegay xeer ilaaliyahan katirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida in ay heleen xogta saraakiil iyo askar la shaqeeya Al Shabaab iyaga oo ku dhax jira ciidanka, waxa uuna xusay in xubnaha la tuhmayo in Al Shabaab la shaqeeyaan katirsan yihiin nabadsugida booliiska iyo milatariga.

“Argagixisada ayaa xog laga helay waxaa laga ogaaday in saraakiil iyo ciidan ay la shaqeeyaan oo ku dhex jira laamaha amniga, sidaas aawgeed laamihii amniga dabagal ayaa lagu sameeyay ama Milatari ha ahaado ama Boolis ama ha’ahaado Nabad-Sugid” ayuu yiri Xeer ilaaliye Axmed Cabdalle.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan saraakiil iyo askar horey maxkamd loogu saaray in ay la shaqeenayeen Al Shabaab xukunnama loogu riday, waxa uuna xusay in hadda baaris ku wadaan saraakiisha la shaqeysa Al Shabaab ayna soo qaban doonaan .

“Qaar maxkamadda ayaa horkeenay, qaar horay ayaan u horkeenay oo waa la la xukumay, qaar kale baaris ayaa noogu socoto waana horkeeni doonaa kuwa kalena dabagal ayaa noogu socdo waa lasoo qaban doono” ayuu yiri xeer-ilaaliye ku xigeenka.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa la tuhmayaa in ay ku dhax jiraan xubno katirsan kooxda Al Shabaab, waxaana jiray saraakiil katirsanaa ciidanka oo markii la helay xogtooda in ay la shaqeeyaan Al Shabaab u baxsaday deegaannada kooxdaasi ka taliyaan.

WARARKA