spot_imgspot_imgspot_img

Waa Kuma Wasiirka caanka ahaa oo ku dhax geeriyooday xabsi uu ku xirnaa

Sabti 24, August 2024 {HMC} Wasiirkii hore ee Maaliyadda dalka Eritrea Berhane Abrehe, ayaa ku dhax geeriyooday xabsi uu ku xirnaa oo kuyaalla magaalada Asmara, waxaana geerida wasiirka xaqiijiyay xubno katirsan eheladiisa oo warbaahinta si hoose ula hadlay.

Berhane Abrehe oo ku dhintay da’da 79-sanno, ayaa noqday wasiirkii maaliyadeed ee ugu muddada dheeraa dalka Eritrea, waxaana xilka laga qaaday sanandkii 2012-kii, kaddib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Wasiirkan hore ayaa markii xilka laga qaaday isku bedeelay mucaarad jahwareer ku riday Madaxweynaha Eritrea, waxaana markii dambe la dhigay xabsiga kaddib markii uu wax ka sheegay Isaias Afwerki kuna tilmaamay in uu yahay kaligiis talis, waxa uu sidoo kale buug uu wax uga sheegayay.

Qoyska wasiirkan hore ee geeriyooday ayaana sheegay in aan lala wadaagin ilaa hadda sababta geerida Berhane, waxa ayna sheegeen kaliya goorta uu geeriyooday iyo halka lagu aasayo, iyaga oo intaa ku daray in ilaa hadda aan meydka lagu soo wareejin.

Isku dhaca Madaxweyne Afwerki iyo wasiirkiisii maaliyadda Berhane ayaa waxa uu bilowday mudadii uu wasiirka ahaa, xilligaas oo ay isku qilaafeen isaga iyo madaxweynuhu in uu si daah furan u soo bandhigo miisaaniyadda .

WARARKA