spot_imgspot_imgspot_img

Luul Cabdicasiis Aabbaha dhalay oo u quus gooyay reerka Sayid-cali Macalin

Sabti 24, August 2024 {HMC} Waxaa maanta mar kale maxkadda sare ee dalka lasoo taagay eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo heesto in uu gubay sidoo kale dilay xaaskiisa oo uur laheyd Luul Cabdicasiis, waxaana maxkamadda sare laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ee kiiskan.

Aabbaha dhalay Luul Cabdicasiis oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa sheegay in maxkamadda sare ka sugayaan caddaalad, waxa uuna meesha ka saaray in marnaba qaadanayaan lacag ama diyo, isaga oo dalbaday in ninka dilay gabadhiisa loo qisaaso.

”Qisaas ayaa rabnaa, lacag ma rabno, diyo ma rabno, go`aankii hore ayaa ku taagan nahay, caddaaladda ayaa wax ka sugeynaa, caddaaladda kaliya ayaan sugeynaa wax kale oon ku qanceyno ma jirto ” ayuu yiri aabba dhalay marxuumad Luul Cabdicasiis.

Qoyska uu kasoo jeedo Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa marar badan isku dayay in la xaliyo kiiskan dilka ah, waxa ayna qoyska Luul Cabdicasiis usoo bandhigeen lacago badan oo diyo ah, si ay u cafiyaan wiilkooda loogana badbaadiyo in tiirka la geeyo.

Maxkamadda gobolka Banaadir iyo tan racfaanka gobolka ayaa horey xukunno dil ah ugu riday Sayid-cali Macalin Daa’uud, ehelka eedeysanaha ayaana racfaan u qaatay maxkamadda sare ee dalka oo maanta bilowday dhageysiga kiiskan, iyadoona laga sugayo xukunka ugu dambeeya ee kiiskan dilka ah.

WARARKA