spot_imgspot_imgspot_img

Jarmalka: Saddex qof oo xalay toorreeyay lagu dilay

Sabti 24, August 2024 {HMC} Booliska Jarmalka ayaa sheegay, in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen afar kalana ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kaddib marki nin ku hubeesnaa toorreey uu weeraray goob ay ka socotay xafald dabaaldag ah oo ku taalla magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka.

Qoraal kasoo baxay booliska oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa lagu sheegay, in xalay abbaaro 10-ki fiidnimo uu hal nin oo aanan wali la aqoonsan uu dhowr qof ku middiyeeyay meel lagu caweeynayay, isla markaana uu ninkaasi wali baxsad yahay.

Boolisku waxay sheegeen in weerarka lala beegsaday dad ka qeybgalaya dabaaldagga xusbka sannad-guurada 650-aad ee kasoo wareegtay aas aaska magaalada Solingen.

Solingen ayaa ku taalla gobolka ugu dadka badan Jarmalka ee North Rhine-Westphalia, kaas oo dhaca xadka Jarmalka ee dalka Netherlands.

Weerarada loo adeegsado middida iyo toogashooyinka tooska ah ayaanan aheyn wax ku badan Jarmalka.

WARARKA